U bood dhigaalka

Maalinta Warbaahinta oo Laga Xusayo Meelo Badan oo Dalka ah

Maanta waa maalin ku weyn saxaafadda ama suxufiga Soomaaliyeed waa Xuska maalinta Warfaafinta iyo Warrbaahinta Soomaaliya waa fursad muhiim ah oo lagu aqoonsanayo muhiimadda ay Warbaahintu afka iyo Soomaaliyeed ku leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka ee soo jireenka ahaa qarniyo la iska dhaxlay.

Maalintan waxay kale oo ay ina xusuusineysaa daabacaadda wargeyskii ugu horreeyay ee Af-Soomaali ah oo haatan laga joogo muddo ka badan nus qarni. Tallaabadaas waxay wax weyn ka tartey horumarka warbaahinta Soomaalida, taas oo suurtagelisay faafinta macluumaadka iyo afkaarta afka Soomaaliga.


Horumarinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga si tayo sare leh ayaa Iyana muhiim u ah ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya iyo in la hubiyo in dadkeedu ay heli karaan macluumaadka oo ay si hufan u cabbiraan fikirkooda, taas oo muujinaysa in Warbaahintu noqoto ku bulshadooda indho u noqda.

Waxa kale oo muhiim ah in hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliyeed, aqoonyahannada, iyo qoraayaasha ay labanlaabaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta iyo tayeynta afka Soomaaliga ah si looga hortago in la dhalan rogo ama adeegsigiisa uu yaraado, sida hadda lagu arko bulshada qaarkood.

Warbaahinta waxaa lagu tilmaamaa in ay aheyd doorka labaad ee ka qeyb qaatay inuu koro Afkeenna, marka laga soot ago culimada iyo Abwaannada oo ahaa dadka ku jiray doorka ugu horeeya, sababtoo ah, waxa ay marwaliba bulshada isku dayayeen in luuqadaha qalaad ay erayadooda u yeelaan micno kale.

Sanad guuradii sedexaad ee Kacaanka 21 Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu guddoomiyihii golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo dhigayo.

Taas waxa la oran karaa waxa ay horseeday in la helo luuqad qoraal iyo akhris leh oo umadda isku wada raacsan yihiin, waxaa ay noqotay in Manhajka Tacliinta dalka lagu dhigo ilaa heerka sare luuqadda dalka, Soomaaliga ayaa hadda kamid luuqadaha aad arkayso in bulshada ay isku dayayaan In ay daraaseeyaan.

Jaamacadaha Mareykanka iyo Canada ayaa tan iyo 2018 bilaabay in ay dhigaan luuqadda Soomaaliga oo si bulshada dalalkaas u dhalatay ay ogaadaan in ay tahay luuqad jirta, Soomaaliya ayaa caalamku xilligaan tartan ugu soo jiraa, kadib burburkii dhacay, dalka ayaa wado soo kabasho dhinac walba marka la eego