U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Uga Mahadceliyay Garab Istaaga Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee dalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isaga oo uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta go’aanka kasoo baxay ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalaqa Qaahira kula kulmay hoggaamiyaha dalka Masar Cabdulfitaax Al-Siisi, waxaana ay ka wadahadleen sidii meel looga soo wadajeesan lahaa xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka, taas oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka.