U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidanka Booliiska oo Gacanta Ku Dhigay Nin Gowracay Wiil Adeer u Yahay

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameyeen degmada Xamarjajab gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan in uu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas ayaa noqotay mid siweyn looga naxay.

Qoraal kasoo baxay ciidanka Booliiska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanku ay ku guuleysteen ninka falka geystay, wiilka la gowracay ayaa da’diisa lagu sheegay inuu 8 sano jir, mana la oga sababta ku kaliftay.
“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri.

Eedeysanaha falka geystay ayaana hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan iyadoo la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh sida ay sheegeen laamaha amniga ka shaqeeya.