U bood dhigaalka

Maxay Kawadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Hore Maxamed Farmaajo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dooxa ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran iyo xiisadda kasoo korortay Geeska Afrika.


Madaxweyne Xasan ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ka mirdhalinta dadaalladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, xilli uu siweyn u ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba.


Waxaa uu tilmamay in ay muujiyaan inaan marnaba laga gorgortami Karin gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,kadib markii uusoo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa, shacabka madaxda dalka iyo kuwii hore ayaa siyaabo kale duwan uga falceliyay arrintaas markii ay soo baxdayba.


Madaxweynaha ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar waxa uu kulan kula qaadan doonaa amiirka dalka Amiir Tamiim Binu Xamad, waxaana ay ka wadahadli doonaan sidii dowladda Qatar u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowladda xilligaan oo lagu jiro xaalad xasaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii badda.


Madaxweynaha ayaa safarkiisa Dooxa waxa kaha horeeyay safar u uku tagay Masar waxaana halkaas uu kula kulmay madaxweyne Cabdifitaax Al-Siisii waxaana ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xiisadda gobolka, isagoo sheegay in ay garab istaagi doono dowladda Soomaaliya.