U bood dhigaalka

Galmudug iyo Banaadir oo Galabta Middood Finlka Tartanka Laga Sugayo, Xilli Hirshabeelle ay Xaadirtay

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka Stadium waxaa galabta ka dhacaya kulan weyn oo lagu xaqiijinayo kooxaha Galmudug iyo Banaadir midda tiigsan doonto Finalka oo ay Hirshabeelle ay is arki doonaan oo shalay Rigoorooyin 5 iyo 4 uga soo gudubtay Jubbaland, xiili ay isku arkeen kulanka Semi-finalka oo kusoo idlaaday golal la’aan.

Kooxaha Galmudug iyo gobolka Banaadir ayaa labada koox ee ugu adag tartanka marka la eego halkii ay soo mareen, iyadoo aan Meesha laga saari Karin kooxda uu nasiibku wado ee Hirshabeelle oo 1 dhibac ay ka heshay Galmudug 3 dhibac oo Jubballand ah iyo 6 dhibcood oo nasiibku siiyay ay finlka kusoo gaareen.

Kulanka galabta Galmudug ayaa u dagaalamaysa in 3 kulan kadib ay Banaadir ay guul ka gaarto, halka ay Owlaadul Caasima ay doonayaa in kulankii 4-aad oo xiriir ah oo guul ay ka gaaraan Galmudug, iyadoo la xusuusto wixii dhacay is araggii reerka Groups-ka soo laabshadii lagu sameeyay Galmudug iyo Final 2020.

Macalimiinta Galmudug iyo Banaadir Axmed Tahliil iyo Daadir Amiin ayuu kulanka galabta xifaaltan gaar ah u yahay, marka la eego is aragoodii macalin iyo ciyaartooy intaba, xilli kooxda Hirshabeelle dhankooda ay doonaya in markii ugu horeysay ay qaadaan tartanka oo ay kala siman yihiin dhiggooda Galmudug.

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa sanadkaan martigelinaya tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana tartanku uusoo maray marxalado kale duwan, waxa hadda la soo gaaray Semi-Finalka, xilli galabta la sugayo kooxda labaad ee tagaysa Finalka oo ay joogto kooxda nasiibka ee Hirshabeelle .