U bood dhigaalka

NISA oo Howlgal Ku Dishay 20 Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay ciidan hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, howlgalkaan ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab iyo xarumo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa duqeymo dhanka ah circa ah lagu bueburiyay xarunta Idaacada ku hadasha afka Al-shabaab ee degmada iyo sidoo kale goobo la sheegay in ay u aheyd meelaha lagu diyaariyo qaraxyada sida dowladdu sheegtay.

Howlgalka ayaa sidoo kale waxa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, waxaana dowladda ayaa sheegtay in ka badan 20 in lagu dilay weerarkaasi oo qeyb ka ah sidii loo wiiqi lahaa awoodda kooxda ee gobolka Galgaduud oo ay ka socdaan howlgallo kale duwan.

Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya ayaa muddooyinkaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ayaa waxa ay ka wadeen qeybo kamid ah bariga gobolka Galgaduud, xilli sidoo kale Koonfurta Mudug oo ay isku hayaan ciidanka huwanta ah oo inta badan gacanta ku dhigay.

Howlgalka ka dhanka ah kooxda ayaa dardar la galiyay tan iyo markii dalka laga qaaday Cunaqabateynta hubka waxaana la fuliyay howlgallo dhowr ah oo lagu dilay saraakiil sare oo Al-shabaab ah, Galmudug ayaa waxa hadda ka socda abaabul hor leh oo ay wadaan ciidanka.