U bood dhigaalka

Duqeyn Ka Dhan ah Shabaab oo Laga Fuliyay Buqda Caqable, Hiiraan

Faahfaahinno ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo manta ka dhacday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Buqa Caqable, howlgalkaan ayaa waxa wadajir u fuliyay ciidanka sirdoonka qaranka ee NISA iyo Saaxiibada caalamiga ah, waxaana lala beegsaday xarumo ay lahaayeen Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay hey’adda NISA ayaa waxa lagu sheegay in howlgalkaan lagu burburiyay xarumo ay ku hagaajiyaan gaadiidka Al-shabaab, waxaana bayaanka lagu xusay inuu jiro khasaare soo gaaray kooxda, isaga oo kusoo aadaya xilli habeenimadii xalay Galgahareeri oo Galgaduud ah duqeymo lala beegsaday.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.
Howlgalkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku jiraan sidii loola wareegi lahaa deegaannada Hiiraan ay Al-shabaab ka joogaan, gaar ahaan ciidanka deegaanka oo ku jira abaabulkii ugu dambeeyay, waxaana hoggaaminaya Ergayga ciidanka deegaanka Cali Jeyte.

Maalmihii ugu dambeeyay waxa soo badanayay duqeymaha ka dhacaya Galmudug iyo Hirshabeelle oo ay ka socdaan howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo wajiga 1-aad ee dagaalka Al-shabaab, xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda la filayo inuu ku sugnaado Galmudug inta laga soo afjarayo howlgalkaasi.