U bood dhigaalka

Shirweynaha 6-aad ee Garsoorka Dalka oo Muqdisho Ka Furmay

Ku simaaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta furay shir-weynaha 6-aad ee garsoorka dalka, kaas oo looga hadlayo ciribtirka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, dowlad wanaagga iyo qodobo kale, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan, kuwaas oo kasoo jeediyay qodobo kale duwan oo looga hadlay arrimo badan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS, taliye xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiyaasha naxkamadaha sare iyo xeer Ilaaliyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay shir-weynaha.

Shirka weynaha 6-aad ayaa maanta diiradda lagu saaray arrimaha horutabinta u leh hay’adaha garsoorka dalka sanadkaan 2024, qorshayaasha u baahan in dedejiyo, si loo horumariyo shaqooyinka garsoorka dalka. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dajiyeen qorshe baaxad leh oo la doonayo in lagu horumariyo nidaamka cadaaladeed ee dalka.

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowladda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Macalim ayaa sheegay in sanadkaan golaha shacabka uu horyaalo qorshaha hanaanka federaaleynta cadaaladda, taas oo muhiimad gaar ah u leh wadashaqeynta garsoorka dalka labadiisa heer, xilli dhowaan Baarlamaanka uu furay ka doodista iyo waxkabedelka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa xusay in garsoorku uu muhiim u yahay nolosha ummadeed iyo dowladnimadeena, waxaana uu ugu baaqay in lagu dadaalo sidii umadda ay dowladda uga heli lahaayeen garsoor cadaalad ah, waxaana uu xusay in badan in dib u habeyn lagu sameeyay maxkamadaha.

Ugu dambeyn Ku simaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka JFS mudame Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay wadaan hey’adaha garsoorka dalka, isaga oo u xusay in goluhu bilaabay dhameystirka Dastuurka oo dhowaan Baarlamaanka 11-aad u uku ansixiyay habraaca waxkabadelka.


Shirkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa cilmi baarisyo kala duwan oo ka hadlaya maamul wanaagga, ilaalinta madaxbanaanida hay’adaha garsoorka dalka iyo hanaanka baarista dambiyada, waxaana u uku soo aadayaa xilli madaxda dalku sheegtay intii ka qeyb gashay furitaanka shirka muhiimadda garsoorka.