U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud,

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumaadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),sidoo kale wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Soomaaliya ayaa isna loo.magacaabay Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Ismail Abdirahman Sheikh Bashir ayaa laga qaaday xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta,halka Maxamed Madoobe Nunow aya isna laga qaaday xilka wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya.