U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendeyaaha Looga Hadlay Kulanka Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh iyo Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheikh Maxamuud oo ka qeyb galay shirka Afrika iyo talyaaniga ayaa Magaalada Rome ee dalka talyaaniga kulan gaar ah kula yeeshay Madaxa Hey’adda IMF Kristalina Georgieva.

Mrs Georgieva ayaa bogaadisay dadaalada horumarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay, xilli dhowaan dowladda Soomaaliya laga cafiyay deymo badan oo caalamka looga lahaa, madaxweynaha ayaa ku sugan Roma.

Waxay si gaar ah u xustay isbadalada dowladdu ay qaadday kuwaas oo dhaqaalaha dalka sare loogu qaadayo laguna dhimayo saboolnimada islamarkaana lagu xoojinayo heyadaha dowladda, taasoo siweyn loogu ammaanay dowladda federalka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ka qeyb galayo madasha taliyaaniga iyo Afrika waxa sidoo kale lagu wadaa inuu madaxweynuhu kulan la qaato madax ka socoto Bangiga adduunka oo mas’uuliyiin ka socota ay ka qeybgalayaan madasha magaalada Roma.