U bood dhigaalka

Hirshabelle: Wafdi Nabadraadin ah oo Gaaray Jalalaqsi iyo Waanwaan Laga Dhexewado Beelo Ku Dagaalamay

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore oo ay wehlinayaan wasiirka maaliyadda Cabdiraxiin Ciise Cadow, wasiirka duulista hawada Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan si ay halkaasi uga fuliyaan howlo nabadeed.

Wafdigaan ayaa socodkooda Hiiraan waxa uu la xiriiraa sidii xal looga gaari lahaa colaad dhowaan kasoo cusboonaatay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo ay ku dagaalameen beelo kala dega labada gobol, xilli wadfiga uu sidoo kale qeyb ka ahaa guddoomiyaha Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Wafdigan ayaa markii ay soo gaareen degmada waxa ay kualan la qaateen waxgaradka iyo bulshada, iyagoo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa loogana wadashaqeyn lahaa xal u helidda dagaalka kasoo cusboonaadaya xadka labada gobol, dhinacda ayaa isla gartay in muhiim tahay in nabad lagu noolaado.

Gabagabadii dhinacda ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya beelaha oodwadaaga ah ee kala dega gobolla Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana loogu wada baaqay in deegaannada si nabad ah loogu wada noolaado, iyadoo deegaannadu ay yihiin kuwii Al-shabaab laga saaray dhowaan.

“ Ujeedka aan Meesha u nimid wuxuu ahaay, inaan deegaannadii aan tagno aana gu dhawaaqno xabad joojin iyo nabad, waxaan tagnay Ceelbaraf, haddana waxaan joognaa Jalalaqsi, waxaan la kulanay cid kasta oo talo ka go’da waxaana ay naga ballan qaadeen xabadjoojin” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.
Dagaalka ka dhacay xadka gobolka ayaa waxa uu ahaa intiisa badan dhul beereed, kaas oo dhinacyadu isku qabyeen, ciidanka xoogga dalka ayaa ku guuleystay joojinta dagaalka, waxaana hadda jira waanwaan lagu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa dagaalka ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.