U bood dhigaalka

Puntland oo Martigelineysa Shir looga Hadlayo Arrimaha Hortabinta u leh Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulahi Deni ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka aqbalay gogol wadahadal oo ay fidisay Puntland, si loo xaliyo tabashooyinka jira, isaga oo bogaadiyay shaqooyinkii la qabtay muddooyinkii dambe oo xurguftu jirtay.

Arrimtan ayaa imaaneysa khudbad uu talaadadii jeediyay madaxweyne, tallaabadan oo muujineysa isu soo dhowaanshiyo.

“Waxaa kulankaas looga wadahadlay gogoshii dowladda Puntland ay u dhigtay, in arrimaha Soomaaliya guud iyo midda gaarka ahba muddooyinka soo socda looga arrinsado, waxa uu madaxweynuhu uu soo dhoweeyay gogoshaas, waxaana u uku baaqay in gogoshaas Garoowe la qabto” ayuu yiri Siiciid Deni.

Gogosha magaalada Garoowe ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay gaartay guulo waaweyn sanadkii tagay 2023, xilligaasa ay taagneyd xasarad siyaasadeed oo u dhaxeysay Puntland iyo dowladda dhexe, waxaana ay Meesha ka saareysaa khilaafkii soo jiray muddooyinkii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa bishii tagtay horaanyeedii waxa mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Puntland, waxaana uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya eel aba xilli lasoo kala doorto.