U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Mamnuucday Ka Ganacsiga Bacaha iyo Soo Dejintooda

Wasaaradda deegaanka xukuumadda federalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 30-ka June 2024 ay mamnuuc tahay in dalka laga soo galiyo bacaha ama waxa plastic ah, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in aysan deegaanka u wanaagsaneyn.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay manta oo Khamiis ah, ayaa waxa ay sidoo kale ay ku sheegtay in gebi ahaanba dalka laga mamnuucay soo dejinta iyo tuurista bacaha la isticmaalo, waxaanay ku boorisay dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha inay raadiyaan bacaha ku habboon deegaanka.

Waxa ay intaa ku dartay in cid kasta oo lagu helo ku xadgudubka awaamiirta wasaaradda ay la kulmi doonto cawaaqib sharci oo waafaqsan sharciga, arrintaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka taagnaa cabasho xooggan oo deegaanka iyo dadka ay ku hayaan.

Wasiirka deegaanka iyoisbedelka Cimilada xukuumadda federalka Somaaliya Amb. Khadiija Maxamed Almakhzoum, ayaa sheegtay in mamnuuciddan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu ilaalinayo deegaanka iyo la dagaallanka isbedelka cimilada.

Wasiirku waxay intaa ku dartay in bacuhu ay khatar weyn ku yihiin duurjoogta, noolaha badda, iyo caafimaadka dadka, maadaama aysan ahayn kuwo la baabi’in karo oo ay ku uruursan karaan meelaha qashinka lagu guro, badaha iyo meelaha biyuhu maraan.

Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka kale ee Afrika, sida Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda, kuwaasoo horay u mamnuucay isticmaalka bacaha, kadib markii la ogaaday in ay qeyb ka qaataan dhibaatada deegaanka iyo caafimaadka bulshada oo dhib kala kulma.