U bood dhigaalka

Qoryooley: Ciidamada Booliiska Degmada oo Gacanta Ku Dhigay Nin Gowracay Xaaskiisa oo Xaamilo ah

Ciidamada ammaanka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose ayaa gacanta ku dhigay in la sheegay inuu dil u geystay xaaskiisa, kadib markii uu dilkeeda u adeegsaday Tooreey waxaana uu kaga dhuftay dhowr meelood, sida laga soo xigtay Booliiska, waxaana la tilmaamay in qoyska uu ka dhex jiray khilaaf keenay dhacdadaan.

Dilka ayaa shalay galab ka dhacay deegaan Gulgaar oo, gadha oo dhaawac lagu keenay ayaa wax yar kadib u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray, dilaaga oo baxsad ahaa ayaa gacanta lagu dhigay, xilli deegaanka uu falka ka dhacay uu yahay mid aysan dowladdu gacanta ku heyn oo Al-shabaab ay joogaan.

Ciidamada amaanka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in si degdeg ah gacanta ugu dhigen ninkaan dilka u geystay Xaaskiisa, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan uu Xaaskiisa ugu dilo Tooreeyda si arxan darro ah xaaskiisa.

Gabadha la dilay ayaa waxa sidoo kale la sheegay in ay aheyd hooyo Xaamilo ah, waxaana dhacdadaan ay ku soo aadaysaa xilli maalmo ka horn in xaaskiisa ku gubay Muqdisho dhaawac kasoo gaaray ay shalay ugu geeriyootay Isbitaalka Digfeer, ninkii dilka geystay ayaa wali baxsad ah sida wararku sheegayaan.

Dilalka aragagaxa leh ee nuucaan oo kale ah ayaa ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya muddooyinkii ugu dambeeyay waa dhacdadii labaad oo lagu dilo hooyo oo Xaamilo ah, oo dhacday 3 todobaad gudahooda marka la eego, arrintaan ayaa siweyn bulshada u taabatay marka ay maqlaan dhacdooyinka nuucaan ah.