U bood dhigaalka

Riyaadh: Soomaaliya oo Sacuidiga uga qeybgashay kulanka Difaaca Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Millateriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirrada Difaaca Wadamada ku bahoobey Isbaheysiga Millateriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Wasiirka ayaa kaga warbixiyey guulaha Shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab oo muddo 15 sano ah dowladda dagaal kula jirta, xilli tan iy sanadkii 2022 laga saaray deegaanno badan oo dalka ah.

Dhanka kale kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagay khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka Dowladda Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga ah iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib heshiiskii is-afgarad ee ee bishii January.

Shirkan ayaa waxa uu gogolxaar u yahay shirka madaxeedka dalalkaan oo dhowaan dhici doona, iyadoo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin dhibaatada ka taagan gacanka Cadmeed iyo marin biyoodka Badda Cas oo weerarro ay ka dhacayaan halis galiyay isku socodka.