U bood dhigaalka

Boqor Charles oo Laga Helay Xanuunka Kansarka iyo wararkii ugu dambeeyay

Sheeko:Caafimaadka

Bortooyada UK ayaa Qasriga Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka, taas oo kasoo baxday baaritaanno lagu sameeyay kadib, sida lagu xusay bayaan kasoo baxay oo lagu sheegay.

War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay. Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth.

Bayaanka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, isla markaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.

Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada, kaas oo inta badan dhaliya caabuqa dhaliyay xanuunka, waxaana inta badan u uku dhacaa ragga marka ay da’da noqdaan.

Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka walwalsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, isla markaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo Charles.