U bood dhigaalka

Kampala: Taliyeyaasha Militariga ee Soomalaiua iyo Uganda oo ka wada hadlay Iskaashi Amni oo Dhinacyo Badan

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Cadoow oo ku sugan magaalada Kampla ee wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi ninka lagu magacaabo.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda gobollada dalka intiisa badan.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee socda, iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga ciidanka xoogga.


Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka dalka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas, safarkiisa Uganda ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dagaalka Al-shabaab.