U bood dhigaalka

Baydhabo: Mashruuca Xalka Waraa oo lagu Hirgelinayo Guryo Loogu Talogalay Barakacayaasha

Hay’adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait ayaa magaalada Baydhabo ka billowday in ay guryo u dhisto dadka barakacayaasha ah ee ay saameeyeen abaaraha, kuwaas moddo deegaansanaya gudaha iyo bannaaanka magaalada, arrintaan ayaa ah mid ay ka faa’iideysan doonaan qoysas badan.

Gurigii ugu horreeyay ee ay Baydhabo ka hirgelisay hay’adda Al-Najaat oo ka kooban laba qol, suuli , haanta biyaha iyo jiko ayaa lagu wareejiyay qoys ka kooban 9 carruur oo agoon ah hooyadood iyo ayeeydood, iyagoo ka mahad celiyay garab istaagga ay u fidisay hay’addan.

Saraakiil ka tirsan xafiiska mashaariicda hay’adda Xikma oo ay howshan u wakiilatay hay’adda Al-najaat ee dalka Kuwait ayaa sheegay in gurigani uu hordhac u yahay mashruuca xalka waara, iyagoo guryo kale dhowaan ka dhisi doono Baydhabo, oo ay helayaan dadka kuwadanyarta ah.

Mashruuca xalka waara oo dhowaan la daahfuray ayaa noqon doona mid la isku dayayo in wax looga badalo dhibaato dadka barakacayaasha ah, waxaana qeybtiisa koowaad laga bilaabay Baydhabo oo laga hirgalin doono in badan oo guryo ah, waxaana jiro doona magaalooyin kale.

Magaalada Baydhabo ayaa waxa la oran karaa magaalada deegaannada Koonfur Galmeed ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo isaga soo hayaamay abaaraha iyo colaadaha ka jira qaar kamid ah deegaannada gobolka Baay oo ay dowladdu gacanta ugu jirin hadda.