U bood dhigaalka

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo Kala Sixiixday Heshiis Dhanka Difaaca ah

Sheeko:Amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca ee dalkaas Yaşar Güler, iyagoo ka wadahadlay dhowr arrimood.

Kulanka Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Turkiga Yaşar Güler ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, amniga gobolka iyo dagaalka Khawaarijta oo xilligaan uu ka socda gobollada dalka.

Wasiir Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiir Güler ayaa kabada dal u kala saxiixday heshiis taariikhi ah ee Difaaca iyo Dhaqaalaha oo sii xoojin doono amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, kaas oo ka dhacay xarunta difaaca  ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida dhow Soomaaliya uga caawiya dib u dhiska ciidanka, xilli dhowaan dowladdu qorsheynayso tayeunta ciidanka badda iyo circa Soomaaliya, waxaana labada dal ay wada gaareen heshiis muhiim ah.