U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga oo Deeq Lacageed Ku Wareejisay Hey’adda SODMA.

Dowladda Turkiga ayaa hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxaa ay ku wareejisay deeq lacageed taas oo qeyb ka ah gargaarka loogu talo galay dadka ay saameynta ku yeelatay daadadkii ku dhuftay dalka ee El-Nino.

Safiir ku-xigeenka Safaaradda Turkiga ee Muqdisho Md Armağan Ardoğa ku wareejiyay deeqdaan lacageed oo dhan $50,000 oo dollar oo ay soo dhiibtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan Dowladda Turkiga ee AFAD ayaa ugu talagashay in lagu kaalemeeyo dadkii ay saameeysay Daadadkii roobabka Elnino oo saameyn ba’an ku yeeshay dalka.

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle oo guddoomay lacagta ayaa aad ugu mahadceliyay garab istaaga joogtada ah ee dowladda aan walalaha nahay ee turkiga ay u muujiyaan shacabkeena wajahaya xaaladaha adag.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya oo xilligaan kasoo ka banaysa saameyntii ka dhalatay roobabkii daadadka watay ee ku dhuftay dalka oo geystay saameynada kala duwan taas oo naf iyo maalba leh.