U bood dhigaalka

Muqdisho: Kenya Airways oo Dib u Bilowday Duulimaadeedka Soomaaliya

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa maanta Dib u bilowday duulimaadkii tooska ahaa ee u horreyay muddo ka badan labo sanno kaddib ku timid garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cabdulle.

Duulimaadka , oo ahaa nooca ganacsi ee xamuulka (cargo) wuxuu sidoo kale ahaa diyaaraddii u horreysay ee iyadoo ku duulaysa astaanta rasmi ah ee shirkadda qaranka Kenya ka soo degta caasimadda Muqdisho , tan oo sidoo kale bilow u noqonaysa duulimaadyo rasmiga ah oo shirkadda ay ka billaabayso garoonka Aadan Cabdulle.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasanayaa sheegay un arrintaan ay soo dhoweynayaan ayna qeyb ka tahay kor u qaadista duulimaadyada caalamiga ah” Waxaan ku soo dhaweynaynaa Kenya Airways garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.” Ayuu yiri.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxaa qayb ka ah qorshaheeda inay sare u qaado duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka ,tan oo fursad u siinaysa muwaadiniinta inay helaan duulimaadyo caalami ah” ayasii racaiyay hadalkiisa.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo waaxyaha kale ee shaqo wadaagta la ah ayaa sameeyay horumarinta adeegyada, taa oo sare u qaadaysa duulimaadyada iyo adeegyada kale ee qaranka iyo muwaadiniinta ay helayaan.