U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Culimada Soomaaliyeed kala hadlay Ladagaalanka Xagjirka, Bedqabka Midnimada dalka iyo Arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin kahortagga xagjirka, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan doorkooda dowlad dhiska iyo mideynta umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Culimada waxaa uu kaga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo Alshabaab, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalka ee u baahan in wadajir looga gudbo, isagaa ku dhiirageliyay in door muuqda ay ku leeyihiin marwalba culimada.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka.

Madaxweyne ayaa dhanka kale tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Culimada ayaa dhankooda la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda ee ku aadan ammaanka hormarka socda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo guulo muuqdo laga gaaray.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta XFS mudane Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada soomaaliyeed iyo martisharaf kale oo lagu casuumay kulanka oo kq dhacay xarunta madaxtooyada qaranka.