U bood dhigaalka

Maxay Ka Looga Hadlay Kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaran?

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan  ee doorashooyinka qaranka.

Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray u kuurgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale, kuwaas oo ugu badanaa arrimaha hortabiya u leh.

Kulanka ayaa inta socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dib u eegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Uga dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa kula dardaarmey hawlwadeenada in ay u diyaargaroobaan hawlaha baaxadda leh ee qaranka loogu adeegayo iyo in dhowaan la filayo  in guddigii qaran ee doorashooyinka la soo magacaabi doono, dalkuna aadi doono doorasho qof iyo cod ah.