U bood dhigaalka

Muqdisho: Madaxweyne Xasan oo Booqday Goobo Ganacsi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni iyo nololeed ee caasimadda dalka ayaa booqday goobo ganacsi oo ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Tillaabadan oo ah mid nooceeda ah, oo muujineysa isdhexgalka madaxda iyo bulshada, Madaxweyne Xasan ayaa socdaalkiisa waxaa uu waqti la qaatay shacabka, isaga oo kala sheekeystay qeybaha bulshada ee uu la kulmay xaaladaha kala duwan iyaga oo siweyn uga warbixiyay dhankooda.

Madaxweynaha suuqyada uu booqday ayaa waxaa kamid ah suuqa caalamiga ah Jubba Hipper Market, waxaana halkaas uu kula kulmay bulshada iyaga oo muujiyay farxadda ku aadan inuu madaxweynihii qaranka uu kamid noqday dadka ka adeeganaya suuqa, siweyn ayaa loo soo dhoweeyay.

Booqashada Madaxweynaha ayaa kusoo aadaysa xilli ammaanka caasimadda uu siweyn isku badalay, waxaana maalmo ka dhiman yihiin markii ciidanka xasilinta caasimadda lagu wareejiyay ammaanka Muqdisho xilli lagu guda jiray bishii Ramadaan ee sanadkii hore oo aheyd xilligaas