U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Kismaayo iyo U Jeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud gaaray magaalada Kismaayo, waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland, xilli dhowaan Jubbaland ay si adag u saameysay daadadkii El-Nino oo si aad u saameeyay deegaannada maamulkaasi oo khasaare lasoo gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.