U bood dhigaalka

Shabeellaha Hoose: Howlgallo lagu Burburiyay Maxaakiimta Shabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan cutubyo ka tirsan guutada Cumar binu-khadaab oo kaashanaya ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow, Mara-cadde oo u dhexeeya tuulooyinka Gendershe iyo Arbacow ee oo dhaca gobolka Shabeellada hoose.

Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo maxkamado u ahaa Al-shabaab iyo goobo kale oo fariisimo u ahaa oo ay ku jiraan godadka looga gambado duqeymaha diyaaradaha sida saraakiisha ciidanka laga soo xigtay.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha, waxaana ay inta badan howlgalladaan ay ka dhacayeen inta u dhaxeysa Muqdsho, Marko iyo Magaalada Muqdisho.

Deegaanno Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan laga bilaabo howlgallo ka dhanka Al-shabaab, kadib diyaargarow muddo ka socday, xilli wasiirka amniga maamulka uu sheegay in la dhaqaaqayo.