U bood dhigaalka

Adis Ababa: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirrada Dalalka Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay safiirrada ku jira dalalka Jaamacadda Carabta ee u fadhiya dalka Itoobiya isaga oo kala hadlay xaaladda gobolka iyo guuda ahaan xaaladda Soomaaliya xilligaan.

Madaxweynaha ayaa safiirrada uu la kulmay uga mahadceliyay garab istaagga dhabta ah ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo xilligan dadaal ugu jirta in ay ku guuleysato kursiga looga arrimiyo golaha nabadgalyada ee Qaramada Midoobey, maadama ay kali u sharaxan tahay xilligaan.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha kala qeyb galay xubno ka tirsan wafdigiisa, waxaana ka qeyb ahaa Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo xubno kale oo madaxweynaha qeyb kala ah safarkiisa Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ugu waxaa uu kaga qeyb galayaa meertada 37-aad golaha ammaanka iyo nabadgalayada Midowga Afrika, waxaana looga hadlayaa inta badan xaaladda gobolka, xillli madaxweynaha uu halkaas nuu khudbad ka jeedin doono marka la eego.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale Addis Ababa uga qeybgali doona laba shir oo ay kala yeelanayaan madaxda urur-goboleedka IGAD iyo madaxda dalalka ku jira bulshada Bariga Afrika, xilli ay sidoo kale jiri doonaan kulamo dooceedyo uu la qaadanayo madaxda kasoo qeybgasha shiraka guud.