U bood dhigaalka

Mareykanka oo Hirgelinaya 5 Xero oo lagu Tababaro Danab

Sheeko:Amniga

Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa dhowaan kala saxiixday is af-garad la xiriira dhismaha shan xero ciidan oo Maraykanku u dhisayo ciidamada Danab oo ay muddo sannado ah soo tababarayeen ciidamada Maraykanku, kuwaas coo ka howlgallo gobollada dalka intooda badan. Xeyaha ayaa waxaa la dhisi doonaa Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar, Kismaayo iyo Muqdisho.

Lataliyaha ammaanka qaranka madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan magaalada Washinton ayaa sheegay in heshiiskaan uu dabajoogo heshiiskii amniga qaranka ee Baydhabo 20217-kii ku dhexmaray dowladda federaka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Heshiiskaan wuxuu qeyb ka ahaa heshiiskii amniga qaranka ee 2017-kii bishii April 16-keedii dowlad goboleedyada iyo dowladda federalka ay kaga heshiinayeen ammaanka qaranka, tirada iyo nuucyada ay ciidanku ay kala yeelanayaan, waxaan ka codsanay in ay noo gaarsiiyaan tiro 3000 ah iyo qalabeyntooda, waxaana ay marayaan in ku dhow tiradaas ” ayuu yiri xilli uu la hadlayay Laanta Af-ka Soomaaliga ee VOA.

Lataliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in arrintaan ay dowladda Soomaaliya ugu dhigan tahay guul weyn maadaama la isla gartay shirkii New York December 2023 ee looga hadlayay ammaanka Soomaaliya in maalgalinta ciidamada Ah ajnabiga ee jooga Soomaaliya loosoo wareejiyo ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa ay uga dhigan tahay in dowladdu dhowaan ay la timid dowladdu qorshaha dib u dhiska ciidanka oo shirkii ka dhacay New York lagu soo bandhigay uu ka qeyb galay madaxweynu, arrinkaas jawaabtii ay ka bixinaayeen ee ugu dambeysay ayey kamid tahay arrintaan, in ciidamada Soomaaliya maalgalintii ciidamada shisheeye la galin jiray kuwa Soomaaliya la galiyo” ayuu yiri Lataliye Xuseen Sheekh Cali.

Heshiiskaan ay wadagaleen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa uu usoo aadayaa xilli dowladda Soomalaiya ay qorsheynayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka qeybihiisa kale duwan oo la badinayo tiradooda iyo tayadooda si ay ammaanka guud ee dalka ay ula wareegaan kadib 2024.