U bood dhigaalka

Deegaanka Hoostaga Mahadaay oo Lgu Dilay Ganacsato iyo Dagaalka Ka Dhacay Halkaasi

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, xilli sidoo kale lagu dilay ganacsato.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay  Deegaanka lagu magacaabo Diinlaawe kaas oo hoostaga degmada dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerareen deegaanka.

Ciidanka deegaanka ayaa iskacaabiyay dagaalka lagu qaaday, waxaana xusid mudan in deegaanka lagu dilay sedex ruux oo ganacsato ah oo ku suganaa deegaanka dagaalka kadib.

Kooxda ganacsatada ah ayaa waxaa la sheegayaa in ay dileen ciidanka deegaanka, kadib markii lagu soo eedeeyay in Al-shabaab ay u ahaayeen basaas taasna ay keentay dilkooda.

Deegaanka lagu magacaabo Diinlaawe ayaa waxaa ku sugan ciidan kuwa deegaanka ah, waxaana uu hoostagaa magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.