U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Diidday Habdhaqanka Itoobiya, Su’aalna Ka Keentay Sida Adis ku sii ahaan Karto Xarunta Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sabtidii ka ka hadlay shir-madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa soo qaatay fal ka baxsan xeerka diblomaasiyadda oo ay madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa kula dhaqmeen maamulka Adis Ababa, isaga oo sheegay in la carqaladeyn ay ku sameeyeen ciidanka Itoobiya, loona diiday inuu ka baxo hotelkii uu ka deganaa, taas oo keentay in Madaxweynaha Jabuuti uu yimaado goobta.


“Aniga oo isku dayaya inaan ka qeybgalyo shir-madaxeedka midowga Afrika, ciidamada ammaanka ee Itooobiya ayaa wadada iga xiray, waxaana ay diideen inaan hotelkayga aan ka baxo aniga iyo wafdigeyga waqti badan ayey igu qaadatay inaan sii joogo hotelka, halkaas oo aan ugu baxay gaadiidka madaxweyne kale” ayuu yiri isaga oo khudbad ka jeedinayay shirka.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in markii ay tageen xarunta midowga Afrika loo diiday in ay galaan isaga iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle, taas oo keentay in madax kale ay kusoo baxaan arrinta, isaga oo siiraaciyay in arrintaan dhacay ay sumcad darro ku tahay midowga Afrika oo xaruntooda falalka nuucaan ah ay ka dhacayaan.


“Markii aan tagnay aniga iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti xarunta midowga Afrika, markale ayey ciidamo hubeysan oo Itoobiyaan ah ay iga hor istaageen waa ay diideen inaan xarunta gudah u galno aniga madaxweynihii ila socday, waa ku sumcad darro madaxda Afrika iyo anigaba wixii maanta ka dhacay” ayuu hadalkiisa siiraaciyay madaxweynaha.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gabagabadii tilmaamay in Soomaaliya oo kamid aheyd dalalkii aasaasay, ururka midowga Afrika, waxaana uu sii raaciyay inaan xadgudubka dowladda Itoobiya marna aan loo dulqaadan Karin, waxaana uu shaki galiyay in ururka laga sii mi ahaan karo iyadoo madaxda kasoo qeyb gasha sidaan loola dhaqmayo.


“Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah side madaxda Afrika oo xarurta ururka lagu sumcad dilayo side uga siimid ahaanayaan ururrada waaweyn ee dhaqaalaha ku hormaray, Soomaaliya waxaa ay kamid tahay dalalka aasaasay ururka midowga Afrika ma u dulqaadan karno in sidaan naloola dhaqmo, waxaana rabnaa in cod dheer aan ugu sheegno walaalaheena Afrika in xadgudubka Itoobiya uu yahay mid aan loo dulqaadan Karin” ayuu yiri gabagabadii hadalkiisa.


Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalinimadii shalay ciidamada dowladda Itoobiya ay qalalgaliyeen madaxweynaaha iyo amnigiisa waqtigii uu damacsanaa inuu gaaro xarunta midowga Afrika, arrinta ayaa waxaa soo farogeliyay mdaddax kale, arrintaan ayaa keentay in madaxweynaha uu dalka dib ugu soo laabto.