U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta shuruucda dalka iyo ladagaallanka Musuqa iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno ku saabsan qaab dhismeedka, hannaanka shaqo, qorshaha furan ee dib u habaynta iyo tirakoobka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dhageystay qeybaha kala duwan ee hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo bogaadiyey guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen Ciidanka Booliska ayaa Sarakiisha iyo taliskoodaba ku adkeeyey in ay hirgaliyan ku dhaqanka xeerarka iyo siyaasadaha la dajiyey si loo ilaaliyo sharafta Ciidanka iyo bulshada, loona abuuro iskaashi sal adag leh oo qeyb weyn ka qaato amniga dalka iyo bad qabka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.