Wafdi Ka Socday Jaamacadda Carabta oo Dhambaal Siday oo Soo Gaaray Muqdisho
Wafdi ka socdo Ururuka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si diiran garoonka Diyaaradaha ugu soo dhoweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Xamza Aadan Xaadoow.
Wafdigaan soo gaaray dalka ayaa waxaa kamid ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo Cabdullaahi Otobi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Mas’uuliyintan oo ka kooban labo xubnood ayaa si kooban warbixin uga dhegeystay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Xamza Aadan Xaadoow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo si walaalnimo leh ugu soo dhoweeyay dalka.
Wafdigan ayaa dhambaal ay ka sidaan Jaamacadda Carabta gaarsiin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan ay la qaadan doonaan kadib dhacdadii Addis Ababa ka dhacday.