Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Urdun, Imaaraadka, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay gaartay Israa’iil oo lagu doonayo in qaybo ka mid ah Daanta Galbeed si rasmi ah loogu aqoonsado “dhul Israa’iil ah”.
Dalalkan ayaa sheegay in tallaabadan oo oggolaanaysa in markii ugu horreysay tan iyo 1967 si sharci ah loo diiwaangeliyo lahaanshaha dhulka ku yaalla Daanta Galbeed ay si cad u jebinayso sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis gelinayso dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xalka laba dowladood ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.
Wasiirradu waxay ku adkeeyeen bayaan wadajir ah in wax kasta oo beddelaya xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulka la haysto ay yihiin kuwo sharci-darro ah, isla markaana ay sii hurinayaan colaadda, khalkhal gelinayana rajadii laga qabay nabad waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe.




From the comments