U bood dhigaalka

Dalal Muslimiin ah oo si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ee lagu doonayo in Daanta Galbeed looga dhigo dhul Israa’iil ah

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Urdun, Imaaraadka, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay gaartay Israa’iil oo lagu doonayo in qaybo ka mid ah Daanta Galbeed si rasmi ah loogu aqoonsado “dhul Israa’iil ah”.

Dalalkan ayaa sheegay in tallaabadan oo oggolaanaysa in markii ugu horreysay tan iyo 1967 si sharci ah loo diiwaangeliyo lahaanshaha dhulka ku yaalla Daanta Galbeed ay si cad u jebinayso sharciga caalamiga ah, isla markaana ay halis gelinayso dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu gaaro xalka laba dowladood ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Wasiirradu waxay ku adkeeyeen bayaan wadajir ah in wax kasta oo beddelaya xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulka la haysto ay yihiin kuwo sharci-darro ah, isla markaana ay sii hurinayaan colaadda, khalkhal gelinayana rajadii laga qabay nabad waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo quwadaha waaweyn, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo go’aankan ay Israa’iil qaadday, isla markaana lagu ilaaliyo xuquuqda shacabka Falastiin iyo heshiisyadii caalamiga ahaa ee horey loo gaaray.

Dalalkan ayaa mar kale ku celiyay taageeradooda buuxda ee dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna tahay Qudus Barigeeda, taas oo deris nabadeed kula noolaan karta Israa’iil.

Go’aankan ay Israa’iil ku doonayso ballaarinta iyo sharciyeynta lahaanshaha dhulka la haysto ayaa lagu tilmaamay mid sii fogeynaya rajo kasta oo laga qabay xal siyaasadeed oo waara, isla markaana khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka.