Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo si Kulul u Cambaareeyay Weerarkii ee Ka Dhacay Muqdisho
Baarlamaanka jaamacada Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan,kadib markii weerar lagu qaaday goob lagu daawanayay ciyaar lagu daawanayay.
Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay dhacdadii xanuunka badneyd ee dhacday, iyagoo garab istaagaya la dagaalanka Argagixisada.
Baarlamaanka ayaa sheegay in ay taageerayaan dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah.
Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas, iyagoo u rajeeyay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo Alle.
Ugu yaraan Shan ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 25 ruuxna waa ku dhaawacmeen Qaraxii ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla Meel u dhow Taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere .