Qaahira, – Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.
Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada Arrimaha Dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dalka.
Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah Gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida Dalka.




From the comments