U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo magaalada Qaahira uga qeyb-galay shirka Ururka jaamacadda carabta

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ahna xarunta ururka Jaamacadda Carabta uga qeyb-galay shirka 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir.

Kalfadhiga ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada Arrimaha dibadda iyo wakiillo ka socday dalalka Carabta oo uu ka mid yahay mudane Axmed Abul kheyd oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana shirka diiradda lagu saaray arrimo oo ay ku jirto xaaladda falastiin.


Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la kaashanaysa dalalka Carabta si loo helo nabad iyo barwaaqo gobolka oo dhan ah.