U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Faahfaahiyay Muhiimadda Heshiiska Difaaca Dowladdu La Gashay Turkiga

Ra’isul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiis ay Soomaaliya la gashay Turkiga oo ku aaddan amniga iyo dhaqaalaha kadib ansixinta golaha wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato” Ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo Argagixiso, Burcad badeed, Kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda, waxaana jiri doono in ciidanka badda Soomaaliya dhaqso tayeyn iyo tabar u helaan.
“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa siraaciyay hadalkiisa marka la eego.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka, kadib markii Turiku sheegay inuu ilaalinayo badda Soomaaliya.