U bood dhigaalka

Hey’adda Maareynta oo Sheegtay in Dib-udhis Lagu Sameynayo Biyoxireenka Magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle, qaybna ay ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe Axmed Mayre Makraan ,wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Biya xireenka Sabuun oo burbur xoogle ka muuqdo ayaa ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeeren qayabaha kala duwan ee biya xireenka, kaas oo xusid mudan tahay in wali ka muuqdaan sameentii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeen donaan dib u dayactirka kanaalkaan iyaga oo kaa shanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo, waxaana Guddoomiyaha uu intaas ku daray in si ka hortagg loo sameeyo loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabkii El-Nino ee sanadkii tagay dabayaaqadiisii ku dhuftay inta badan dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay biyoxireenno iyo buundooyin ku yallay magaalooyinka dalka, kuwaas oo wali u baahan dib u dayactir marka la eego sida dadku ay ugu dhib qabaan wali xilli dhowaan la filayo inuu dalka ka curto Roobka Go’ga.