U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya Waa ay Difaaci Doonta Dhulkeeda Haddii Itoobiya ay Ku Adkeysato Socodsiinta Heshiiska Gardarrada ah ee Badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay difaacan doonto dhulkeeda haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo fulinta heshiiska ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato magaalada Seylac ee Somaliland, kadib markii uu soo baxay hadalka sheegaya arrintaan.

”Haddii ay Itoobiya ku adkaysato, Soomaaliya way iska celinaysaa oo way diidaysaa, Haddii ay dalka soo galaan, Soomaaliya waxay sameyn doontaa wax walba oo ay isku difaaci karto.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay wakaladda wararka caalamiga ah ee Reuters.

Madaxweynuhu ma faahfaahin tallaabada ay Soomaaliya qaadi karto, iyada arrintan laga cabsi qabo in gobolka oo awal la dadaalaa dhacayay amni darro, abaaro iyo arrimo kala uu wajaho qalaaso kale.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo heshiis is-afgarad ah kula heshiisay in 20 km (12 miles) oo xeebta ah laga kireeyo Somaliland oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ay leedahay, xilli ay Somaliland sheegtay in Soomaaliya ay dib uga laabatay 1991-kii oo dowladdu dhacday midnimadeeda.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli aad loo hadalhayo in Itoobiya ay damacsan tahay in ay qaado tallaabo ay ku fulineyso heshiiskii ay la gashay Somaliland, kaas oo keenay in ay xumaadaan cilaaqaadka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeyay.


Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka difaaca badda iyo dhaqaalaha la gashay Turkiga, waxaana lagu wadaa in todobaadyada soo aadan ay biyaha Soomaaliya ay soo gaaraan Maraakiib kuwa ilaalada ah oo kasoo anbabaxay Turkiga, Heshiiskaan ayaa noqotay mid Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay.