U bood dhigaalka

Hey’adda Duulista Rayidka” Ma Jirto Amni Xumo iyo Halis Badqab oo Ka Jira Hawada Soomaaliya”

Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hawada Soomaaliya aysan ka jirin amni darro laga walwalo, hey’adana ay si buuxda gacanta ugu heyso dhammaan duulimaadka garoomada dalka iyo badqabka duulimaadyada sida ay sheegtay (SCAA), xilli dhowaan diyaarado qalqal hawada lagu galiyay.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxaa ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda.

Hey’adda ayaa Meesha ka saartay inuu jiro amni xumo iyo badqabka duulimaadyada gooshayay hawada Soomaaliya, xilli muran uu taagnaa maalmahaan” Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa la siiraaciyay qoraalka kasoo baxay hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ee (SCAA).

Hadalka kasoo baxay hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan (SCAA) ay soo iibsatay qalab casri ah, kaas oo la shaqeynaya Satalaadka hawada saree e caalamka, kadib markii la qalqal galiyay diyaarad mareysay gobollada Waqooyi ee Somaliland xilli ay mareysay deegaannadaasi.