U bood dhigaalka

Mareykanka oo Shaaciyay Hirgelinta Xabadjoojin Ka Dhaqangasha Magaalada Gaza

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabbad joojin laga sameeyo dagaalka Israa’iil ee Qaza Isniinta soo socota, iyadoo wada xaajoodyada lagu joojinayo colaadda iyo sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista ay u muuqdeen kuwo xawli ku socda, marka laga anboqaado waxa socda.

Hadalada Biden ee uu ka jeediyay New York isniintii ayaa yimid iyadoo warbaahinta Israel ay soo warisay in wafdi sare oo quburo Milatari ah ay gaareen Isra’el” Rajadaydu waxay tahay Isniinta soo socota waxaan yeelan doonnaa xabbad joojin.” Ayuu yiri Biden xilli uu saxafiyiinta kula hadlayay magaalada New York.

Dhexdhexaadinta dalalka  Masar, Qatar iyo Maraykanka ayaa lagu doonayaa in lagu xaqiijiyo in muddo lix toddobaad ah la hakiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas si loogu oggolaado gargaarka Gaza, halkaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ilaa 2.3 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Joojinta la soo jeediyay ayaa sidoo kale ogolaan doonta in la sii daayo daraasiin maxaabiis ah oo u xiran Xamaas si loo sii daayo boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysato Israel, wuxuu sheegay Joe Biden inuu rajeynayo in xabbad joojin ay dhaqan gasho maalmo gudahood, si dadka u helaan gargaar ballaaran.

Magaalada Gaza dagaalka socda oo galay 4 bilood ayaa waxaa uu geystay khasaare xooggan kummanaan reer Falastiiniyiin oo haween iyo caruur u badan ayaa ku nafwaayay, wadaxaajoodka socda ayaa lagu wadaa in lagu sii daayo tiro maxaabiis ah, kuwaas oo dhinacyadu ay ku kala qabsadeen dagaalka socda.

Community Verified icon