U bood dhigaalka

Muxuu Ahaa Ajandaha ay Ka Wadahadleen Wasiir Fiqi iyo Xubnaha Hey’adda (P4P)

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Kulan la qaatay xubno ka socday, hay’adda PRINCIPLES FOR PEACE (P4P) FOUNDATION oo ka shaqeysa howlaha nabad-dhiska iyo ka hortagga iyo ismaandhaafka.

Kulankaan oo ahaa isbarasho iyo is xog wareysi ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana xubnaha hey’adda kamid ahaa  marwo; Hibo Qasaas oo ah Agaasimaha fulinta ee hey’adda iyo marwo: Khadiijo Cali Cosoble oo ka tirsan maamulka sare ee hey’adda

Hay,addaan ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in ay ku daahfurto caasimadda Muqdisho barnaamijkeeda ku aaddan mabaadi’da nabadda iyo xalinta khilaafaadka, taas oo qeyb weyn ka qaadaneyso in bulshada ay helaan wacyigelin iyo fahamka dowladda dhiska.