U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Daahfuray Howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray howlgelinta Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 oo loo dhisay qaab casri ah, ayaa sheegay guulaha laga gaaray amniga iyo dhaqaalaha dalka in aan la xaqiijin lahayn haddii aan dib-u-habeynta lagu sameeyn lahayn hannaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda ay mudnaan gaar ah siisay garsoorka iyo caddaaladda, taas oo cadeynaysa in markii ugu horreysay laga dhigay caddaaladda mid kamid ah lixda tiir ee ay Xukuumaddu leedahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu intaas ku daray in Xukuumaddu ay xoogga saareyso sidii dalku u yeelan lahaa xabsiyo casri ah oo dabooli kara baahida xabsi ee ka jirta Soomaaliya, isaga oo ugu mahadceliyey hey’adda QM iyo deeq bixiyeyaasha ka qeyb qaatay Dhismaha Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 (Ex Control Afgooye).