U bood dhigaalka

Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines oo Beenisay Iney Joojisay Duulimaadkeeda Hawada Soomaaliya

Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa beenisay warar ay baahiyeen warbaahinnada oo ku saabsan in diyaaradda ay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya sababo khalkhal ah.

Shirkadda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay kusheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya oo ay si maalinle ah u maraan halka wararka joojinta ay kusheegtay beenabuur.

“Diyaaradda Ethiopian Airlines ma aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, madaxa shirkadda Ethiopian Airlines ma sheegin inaysan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya, waa been abuur oo Ethiopian Airlines weligood warqad noocaas ah uma qorin” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Shirkadda ayaa xustay in hadalka ay baahisay BBC-da laanteeda af Amxaariga ku hadasha ay tahay mid marin habaabin ah, maadaama hadalka ku aadan ay sheegtay, waxaana jirin hadal kasoo baxay BBC-da oo looga jawaabay dhaleeceynta ka timid shirkadda duulimaadka eek u aadan warqadda ay baahisay.

“Waxaanu ka codsanaynaa BBC-da Amxaariga inay saxdo warbixinta ay kasoo saartay arrintan. Waxa kale oo aanu xaqiijinay in warqada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in laga leeyahay Ethiopian Airlines loo diray waa been abuur” ayaa lasii raaciyay qoraalka shirkadda ay baahisay ee arrintaan la xiriirta.