U bood dhigaalka

Masuuliyiin Ka Socdo Hormuud Telecom oo Ka Qeybgalay Xafladda 10 sano-guurada Hay’adda Alpha Trust

Masuuliyiin ka socdo Hormuud Telecom ayaa ka qeybgalay xafladda 10 sano-guurada hay’adda Alpha Trust oo xalay ka dhacday magaalada London. Hay’adda samafalka Alpha Trust oo ay 2014 hirgeliyeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska, haddana xarumo ku leh shanta qaaradood, waxay isu xilqaameen in ay qaaraan ka soo aruuriyaan qurbajoogta Soomaaliyeed, si ay ugu taakuleeyaan dadkeenna danyarta ah ee ku dhaqan dalka gudihiisa.

Waxaan ku bogaadinaynaa dadaallada guuleystay iyo taakuleynta 10 sano jirsaday ee ay ugu gurmadaan bulshadeenna. Waana ku faraxsannahay in aan taageero joogto ah la garab-taagannahay hay’addan, oo aan kaalin mug leh ka qaadanno mashaariicda samafalka ee ay dalka ka fuliyaan. Waxaana Alle u waydiinaynaa in uu la garabgalo dadaallada ay ugu gurmanayaan dadkeenna danyarta ah.