U bood dhigaalka

Akhriso: Aqbalaadda EAC Kadib, Sooyaalka iyo Faa’idooyinka

Tallaabo ah tii ugu dambeysay oo ay Soomaaliya ugu biireyso ururka goboleedka bariga qaaradda ee east African Community, Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah, March 4, 2024 ay lifaaqa ansixinteeda iyo aqbalaadeeda xubinnimada ururka ku wareejiso xogheyaha guud ee EAC Dr. Peter Mutuku Mathuki.

Tallaabadan taariikhiga ayaa ka dhigan ballanqaad in wixii hadda ka dambeeya ay Soomaaliya si rasmi ah uga tirsan tahay ururka bulshada Afrika, oo xeerarka ururkaasi ay aqbashay, kana hirgalayo dalkeeda, noqota dalkii 8-aad ee sidaasi sameeya.

Sooyaalka:

November 24, 2023: Shir Madaxeedkii 23-aad ee ururka EAC ee caadiga ahaa, kana dhacay xaruntooda Caruusha ee dalka Tanzania ayay ku falanqeeyeen warbixinta wasiirrada ururka ay soo gudbiyeen, ee codsiga Soomaaliya ee ku biirista EAC, taas oo ugu dambeyn ay xubinnimada aqbaleen madaxda

December 15, 2023: Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa caasimadda Uganda ee Kampala gaar ahaan Entebbe State house ku saxiixay ku biiridda Soomaaliya ee ururka EAC.

February 10, 2024, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay ku biirista Soomaaliya ee ururka EAC.

Faa’idada:

Maanta laga bilaabo, Soomaaliya waxaa ay si rasmi ah bahwadaag la noqon doontaa suuq ilaa 300 milyan ah, wax sooraarkeeda sida xoolaha, beeraha, kalluunka iyo dhammaan dalagyada ayaa heli doona dhoofin iyo in ay fursad ka helaan suuqaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo ah dad firfircoon ayaa fursad u heli doona in ay ku safraan, kana ganacsadaan bariga Afrika iyada oo laga qaaday caqabadihii ku hor gudbanaa, waxaa ay horseedi doontaa in Soomaaliya ay tartan dhan walba ah la gasho ilaa 7 dal oo kale, waxaana soo kordhi doona arrimo ay ka mid Teknoloji, jidad iyo arrimo kale.

Waxaa intaasi dheer maalgelin, deymo laba dhinac iyo fursad u helidda suuqyada Galbeedka iyo Koonfurta Afrika sida; COMESA iyo  (SADC) ayaa qeyb ka ah faa’idooyinka.

Isu soo dhowaanshiyo siyaasi ah, wadashqeyn iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo weliba adkeynta nabadda, isu socodka iyo isdhexgalka bulshada waa arrimo kale oo laga heli doono ku biiridda EAC.