U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sirasmi ah Loogu Xubinimeeda Suuqa Bulshada Bariga Africa

Bulshada  dhaqaalaha ee Bariga Africa ayaa maanta magaalada Aruusha ee  Tanzania si rasmi ah ugu dhowaaqday inay Soomaaliya ka mid tahay ururkaasi, isla markaana ay noqotay xubintii siddeedaad, kadib markii dowladda Soomaaliya ay shuruudihii buuxisay

Ku dhowaaqista Soomaaliya ee xubinnimada EAC ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay dabaqdo shurucdii ururka EAC, sida uu sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo la hadlayey warbaahinta  dawladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inuu maanta geeyey sharciga ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhaqangalka heshiiska ganacsata Soomaaliyeed waxaa uu u yahay muhiim gaar ah.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in calanka Soomaaliya laga taagay xarunta ururka ee Caruusha, sidoo kalena calanka EAC laga taagi doono Muqdisho,  taas oo ka dhigan guul ay gaartay bdowladda oo tusaale u ah inuu madaxweyne Xasan kasoo baxay ballankii uu qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii December saxiixay xubinnimada rasmiga ah ee Soomaaliya ee ururka EAC iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynayaasha Uganda iyo Suudaanta Koonfureed Yoweri Museveni iyo Salva Kiir oo markaas garab taagnaa.