U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidanka Ammaanka oo Gacanta Ku Dhigay Shakhsiyaad Nabaddoon Ku Dishay Deyniile

Sheeko:War

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay rag ka tirsan Shabaab oo dilay Cabdi Xasan Muxidiin oo caan ka ahaa degmada Deyniile.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda weerarka geystay ay sidoo kale goobta ku dishay askari ilaalo u ahaa Nabaddoonka dhintay, ciidamada ammaanka oo kosoo baxay ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan laba kamid ah kooxdii weerarka ku dishay marxuumka.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Deyniile oo warbaahinta hadal siiyay ayaa sheegtay in shakhsiyaadka laqabtay u uku jiray ruuxa fuliyay dilka Nabaddoonka, halka ruux kale yahay mid isaga oo meyd ah la helay kadib markii ciidanku ay soo gabagabeeyeen bariintaanka.

Muddooyinkii dambe ciidanka ammaanka ayaa siweyn ugu guuleysanayay in ay qabtaan dadka ku lugta leh falalka amni darro iyo dilalka kale duwan ee ka dhaca caasimadda xilli ay soo xoogeysanayso wadashaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka qeybkooda kale duwan.