U bood dhigaalka

Taliska Xoogga Dalka oo Ka Warbixiyay Howlgallada Ka Socada Jubbaland


Taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 43-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxmuud Bogmadoow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay howlgallada maalintii labaad ay ciidanku ka wadaan gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.


Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada ay si wanagsan uga socdaan deegaanno hoostaga inta badan degmada Jamaame iyo tuulooyinka ku xeeran, waxaana uu qorshuhu yahay ciidanku in ay dib ugu laabantaan goobihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay istaageen daadadka.


“Daadadkii ayaa markii hore kasoo saaray ciidankeena waana nasiib darro waana lagama maarmaan waana qasab inaan dib ugu laabano oo aan ka sifeyno Khawaarijta, waxaan ku talo jirnaa manta iyo barri inaan soo afjarno” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 43-aad oo hadlayay.


Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howgalladaan ay sii socondoonaan ciidamada ay qaadi doonaan weerarro baaxad leh oo lagu gaarayo deegaannada kale ee gobolka Jubbada hoose, howlgalkaan ayaa waxaa iskakaashanaya xoogga dalka iyo sidoo kale ciidanka Daraawiishta.


Howlgalladii ugu dambeeyay ayuu sheegay in ciidanka ay u suurtogashay in ay ku gaaraan dhowr deegaan oo hoostaga magaalada Jamaame ee gobolka, sidoo kale lagu dilay 30 ka tirsan Al-shabaab, halka tiro kalena lagu qabtay sida ay hore loogu bayaankii dowladda.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhowaan tagay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in halkaas laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Al-shaab, maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa Kismaayo isugu geeyay ciidankii ugu badnaa kuwaas oo qaadayo howlgallo.