Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah loo diro Gaza, xilli uu shalay oo Isniin ah magaalada Qaahira kaga furmay shirka 161-aad ee golahooda, baaqaan ayaa kusoo aadaya iyadoo laga cabsi qabo macluul ka dilaacda Gaza, kadib bayaankii kasoo baxay dhowaan Qaramada Midoobey.
“Waa arrin deg-deg ah, mana jirto waqti la sugo, beesha caalamka waxaa ku waajib ah inay wax ka qabato macluusha billowday inay halakayso odayaasha iyo carruurta,” ayuu yiri Xuseen Sidi Abdellah Deh, oo ah wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadalay xaaladaha murugsan.
Kooxaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ku dhowdahay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo inta badan Gaza,sababo la xiriira in waqtigaan uu yahay xilligii ugu habooneyd ee dadka la gaarsiin lahaa, xilli ay taagan tahay colaadda iyo kala dambeynta shacabka oo burburtay, iyadoo rajada dad quus ay tahay.




From the comments